|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Ugu yaraan 2 qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay ka dib markii Ciidamada Milatariga Dowladda oo marayay deegaanka Ceelasha biyaha ay rasaas ku fureen mid ka mid ah Ciidamada ilaalada Deegaanka oo qoray watay xiligaasi.
Ciidamadaan ayaa waxay ka yimaadeen dhinaca iyo Degmada Afgooye oo dhawaanahaan ay ku sugnaayeen,waxaana ay ku sii jeedeen Magaalada Muqdisho.
Marka ay soo gaareen Ciidamadan Deegaanka Xaawa Cabdi oo kuyaala wada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye,ayaa waxay ka dageen Gawaarida ay wateen, kuwaasi oo ka cabsi qabay in Wadada ay ugalaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda,waxaana Ciidamada ay marayeen Wadada Geesaheeda islamarkaana Gawaarida Bl-ka ay joojyeen muda ay marayeen Wadaasi.
Labada Ruux oo dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray Canug yar oo da’diisa lagu qiyaasay sanad 8 Bilood, iyadoo dhaawacyada Dadkan loola soo Cararay qaar ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho .
Rasaasta ay ridayeen Ciidamada Dowladda ayaa waxa ay socotay mudo 15 Daqiiqo ah, islamarkaana ay qal qal galisay Dadkii ku barakacay Deegaanka Ceelasha Biyaha ,waxaana la ogeyn ujeeda ka dambeysa oo Ciidamada ay u risaaseen Dadka Rayidka ah.
Ma aha markii ugu horeysay oo Ciidamada Milatariga oo dad rayid ah ay ku risaaseeyaan deegaanka Ceelasha biyaha islamarkaana wax yeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku barakacay deegaankaasi.
|